Madaxweyne Farmaajo oo NAiroobi kulamo kula leh hogaamiyasha IGAD

by Hassan Ali | Thursday, Mar 23, 2017 | 93 views

23,March,2017(SofoNews) Magaalada Nairoobi ee xarunta dalka Kenya ayaa lagu wadaa in uu ka furmoshir ay isugu imaanayaan hogaamiyaasha urur goboleedka IGAD kaasi o looga hadlayo arrimo ay kamid yihiin abaaraha gobolka.
Soomaaliya waxaa uga qeybgalaya shirkaasi Madaxweynaha Jahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo wafdi uu hoggaaminayo ksugan dalka Kenya magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, halkaas oo uu ku joogi doono booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo 3 maalmood.
Madaxweynaha waxaa gegida diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Marwo Aamina Maxamed, Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale iyo Wasiirro kale oo ka tirsan dowladda Kenya.
Madaxweynaha ayaa kulamo la leh dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta, waxa ayna ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal. Waxaa kale oo dhici doona kulamo ay yeelanayaan ganacsatada labada.
Waa safarkii ugu horeyeey oo madaxweyne Farmaajo oo ugu amba boxo dalka Kenya tan iyo markii la doortay.
Shir-madaxeedka Urur Goboleedka IGAD ayaa 25-ka bishan ka dhici doona magaalada Nairobi, kaas oo diiradda lagu saari doono arrimo dhowr ah oo gobolka khuseeya oo ay ugu horreyso arrinta qoxootiga.

Like it? Share it!

Leave A Response