Madaxweyne Farmaajo oo markii ugu horeysay booqday maxaabiista xabsiga dhexe(Sawiro)

by Hassan Ali | Sunday, Feb 26, 2017 | 210 views

26,Febryary,2017(SofoNews) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ahna Taliyaha Ciidamadda qalabka sida Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa maanta Booqday Xabsiga dhexe ee Xamar,isagoo soo kormeeray qeybaha Xabsiga uu ka kooban yahay sida Qolalka ay ku xiran yihiin Maxaabiista, Xarunta Warshada tababarka Maxaabiista, Goobaha waxbarasho iyo xarumo kale, waxaana Madaxweynaha Xabsiga kusoo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Wasiirka Cadaaladda Gen C/llahi Jaamac Ilka-jiir iyo Saraakiil kale.
Cutub ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Madaxweynaha Salaam sharaf siiyey,waxaana intaasi ka dib uu tagey Xarunta tababarka Maxaabiista oo ay ku sugnaayeen Maxaabiis shaqeyneysa,Isagoo soo arkay una riyaaqay Agabyadda kala duwan ee Maxaabiista ay soo saaraan.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa ka sheegay Munaasabad lagu qabtay Gudaha Xabiga dhexe in Taliska uu sameeyey Horumar aad u balaaran iyadoo Darruufo kala duwan ay jirreen, hadana hiigsiga Taliska Asluubta uu yahay mid sare.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa sheegay in Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu u yeelan doonno ilgaar ah, Maadaama isaga uu kusoo koray Xarunta Agoonta Wiilasha ee Lafoole oo ay maamulaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

IMG-20170226-WA0000 IMG-20170226-WA0001 IMG-20170226-WA0002 IMG-20170226-WA0003 IMG-20170226-WA0004 IMG-20170226-WA0007 IMG-20170226-WA0008 IMG-20170226-WA0012 IMG-20170226-WA0013 IMG-20170226-WA0014 IMG-20170226-WA0016 IMG-20170226-WA0018 IMG-20170226-WA0021

 

Like it? Share it!

Leave A Response