Madaxweyne Farmaajo oo maanta xilka lawareegaya

by Hassan Ali | Thursday, Feb 16, 2017 | 152 views

16,February,2017(SofoNews) Qaban qabo ku aadan munaasabadda xil wareejinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka soconaysa xarunta aqalka madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Waxaa lagu wadaa in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud uu sirasmi ah xilka ugu wareejiyo madaxweynaha cusub maxa’ed C/laahi Max’ed Farmaajo oo lafilayo in maanta uu si toos ah u dego madaxtooyada Soomaaliya.
Hadal haynta ugu badan ayaa ah in munaasabadda xil wareejinta iyo caleema saarka lakala qaaday waxaana caleema saarka uu dhacaya 22 bushan halka maanta ay xil wareejintu dhacayso.
Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Shadoor Xaaji Shadoor ayaa sheegey in sababtu ay tahay in howlo badan ay u yaalaan madaxweyne Farmaajo taasi darteeda loo kala qaaday.
Madaxweyne Xasan Sheekh MAx’uud ayaa la qorsheeyey in uu dego guri kuyaal dhabarka dambe ee madaxtooyada Soomaaliya, halkaasi oo horey loogu sameyn jiray ololaha madaxweynaha uu markale isku soo sharxayay balse laga guuleystay.

Like it? Share it!