Madaxweyne Farmaajo oo lakulmay wefdi ka socoday Masar iyo Germany

by Hassan Ali | Wednesday, Feb 15, 2017 | 282 views

15,February2017(SofoNews) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa qaabilay wefdi ka socda dowladda Maser oo soo gaarsiiyey dhambaal hambalyo ah oo ay iga sideen dhiggiisa dalkaasi.
Wefdiga uu qaabilay madaxweynaha J.F.S Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa hoggaaminayey Ergay gaar ah oo uu soo wakiishay madaxweynaha dalka Maser Cabdul-fataax Al-Siisii, madaxweyne Farmaajo, ayaa guddoomay dhambaalka looga siday madaxweynaha Maser, isla markaana uga mahadceliyey.
Dhambaalka ayaa ahaa hambalyo ku aaddan xilka madaxweynenimo ee loo doortay siddeeddii bishaan, waxa uu sidoo kale ku sheegay in uu ku faraxsanahay iskaashiga iyo xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya labada dal.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, wasiir ku xigeenka iyo ku xigeenka Danjiraha Soomaaliya ee dalka Maser ayaa kulanka ku wehliyey madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Cabdi-salaam Hadliye Cumar Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, ayaa si kooban u sheegay in kulanka sidoo kale inta uu socdey la isla gartay in la sii wado iskaashiga labada dal, lana kordhiyo wax wada-qabsiga dhinacyada amniga, Ganacsiga iyo midka Diblomaasiyaddeed.
Dhinaca kale Madaxweynaha J.F. S ayaa qaabilay wefdi kale oo ka socdey dalka Jermalka oo iyaguna siday dhambaal hambalyo ku socoto madaxweynaha iyo shacabkiisa, madaxweyn Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaana uga mahadceliyey taageerada ay dowladda Jermalka u heyso Soomaaliya.

vlcsnap-2017-02-14-17h35m32s763 vlcsnap-2017-02-14-17h35m39s731 vlcsnap-2017-02-14-17h35m56s529 vlcsnap-2017-02-14-17h36m23s876 vlcsnap-2017-02-14-17h36m38s115 vlcsnap-2017-02-14-17h36m56s208 vlcsnap-2017-02-14-17h37m13s234 vlcsnap-2017-02-14-17h37m57s551 vlcsnap-2017-02-14-17h38m31s115 vlcsnap-2017-02-14-17h38m44s360

Like it? Share it!