Madaxweyne Farmaajo oo lakulmay musharixiintii

by Hassan Ali | Friday, Feb 10, 2017 | 115 views

10,February,2017(SofoNews) Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdilaahi  ayaa xalay casho sharaf u sameeyay murashaxiintii u tartameysay xilka madaxweynaha isagoo ugu hambaliyeeyey isgarabtoogooda.

Tan iyo markii madaxweyne Farmaajo ay xildhibaanad labada aqal ee baarlamanka federaalku ay u doorteen in uu noqdo hogaan cusub ayaa waxaa soconayay kulamo wadatashi oo gaar gaar ah kuwaasi oo la doonayo in looga wadatashada sidii loo wajihi lahaa siyaasadda Soomaaliya.

Madaxwayne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay musharraxiinta sida ay u aqbaleen casumaakii uu u fidiyay, wuxuuna sheegay inay ka go’an tahay ka miro dhalinta qorshihii uu ku soo bandhigay Baarlamaanka hortiisa, kaasoo hal ku dhig u ahayd nabad iyo nolal.

Murashaxiintii tartamay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin kulanka ay la yeesheen madaxweyne Farmaajo, waxa kale oo ay ballan qaadeen iney la shaqayn doonaan madaxwaynaha cusub si howlaha horyaala ugu guulaysto.

Sidoo kale madaxweyneynaha ayaa ku ammaanay musharaxiinta uu la kulmay taageeradii ay ay u muujiyeen, waxa uuna sheegay in mar walbo uu u baahan yahay taladooda iyo taageeradooda uuna soo dhaweyn doono.

farmaajo-murashaxiin-guuldareystay-1 farmaajo-murashaxiin-guuldareystay-2 farmaajo-murashaxiin-guuldareystay-3 farmaajo-murashaxiin-guuldareystay-4 farmaajo-murashaxiin-guuldareystay-5 farmaajo-murashaxiin-guuldareystay-6 farmaajo-murashaxiin-guuldareystay-8

Like it? Share it!

Leave A Response