Madaxweyne Farmaajo oo la saftay madaxweynaha Turkeyga Ordugan

by Hassan Ali | Wednesday, Mar 15, 2017 | 144 views

15,March,2017(SofoNews) Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegey in Soomaaliya ay Garab taagantahay Madaxweynaha Wadanka Turkiga Rajab Tayib Ardogan iyo Dowladda Turkiga,waxaana uu u muujiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la safantahay Turkeyga oo qilaaf uu kala dhexeeyo qaar kamid ah wadamadsa Yurub.
Safaaradda Turkeyga uu ku leeyahay Soomaaliya ayaa War ay Faafisay lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu Dowladda Turkiga ku taageerayo Go’aanada ay ka qaadatay Xiisadda qaar kamid ah Wadamada Reer Yurub kala dhexeeya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidaan oo kale horay u Garab istaagtay Turkiga markii uu ka dhacay Wadankaas Afgambigii Fashilmay,waxaana Dowladda Federaalka ay Dalka ka Erisay Hay’addo uu lahaa Wadaad u dhashay Turkiga oo lagu Eedeeyay inuu soo Maleegay Afgambigii Fashilmay.
Hasayeeshee waxaan la ogeyn Jawaabta ay ka bixin doonto EU oo Taageerta Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka intaba.
Wamadada Yurub ayaa kaalin weyn ka qaadanaya taageerada dowladda Soomaaliya, taasi oo keeni karta in ay qaataan go’aano kale

Like it? Share it!