Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay Fulinta Heshiiska Galmudug

by admin | Friday, Dec 8, 2017 | 44 views

Mogadishu (Somaliafocus) – Kaddib markii Ahlu Sunna Waljama’a iyo maamulka Galmudug ay wada gaareen heshiis ku saabsan awood qeybsi dhanka maamulka ah ayuu madaxweynuhu wuxuu ku baaqay in la fuliyo arimihii la isku af gartay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka caawin doonto maamulka Galmudug dib u soo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha iyo nidaamka dowliga ah ee deegaanadaasi isaga xilli uu ka hadlayaymunaasabad lagu shaacinayay heshiiska dhinacyada ee lagu qabtay Villa Soomaaliya.

Ahlu Sunna ayaa sanado badan la dagaalamayay al Shabaab iyaga oo kala qeybsanaan xooggan kala dhaxeysay maamuladii deegaanada Gal mudug.

Habkan a wood qeybsiga ah ayaa noqonaya nidaam ku cusub maamul goboleedyada.

Like it? Share it!

Leave A Response