Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalaya shirka Jaamacadda Carabta

by Hassan Ali | Tuesday, Mar 28, 2017 | 107 views

28,March,2017(SofoNews) Wefdi uu hogaaminayo Madaxweyne Max’ed C/laahi Farmaajo ayaa lagu wdaaa in uu ka qeyb galo shir madaxeedka wadamada jaamacadda Carabta oo looga hadlidoono arrimo dhowr ah.
Waxaa k aqeybgalaya shirkaasi 16 hogaamiyaal kaasi oo lagu qabanayo magaalaad Camaan ee xarunta dalka Jordan waxaana looga hadlaya arrimo ay kamid yihiin xaaladaha Soomaaliya..
Shir Madaxeedkan ayaa ka duwan kii sanadkii hore lagu qabtay dalka Mauritania oo ay ka qeybgaleen sideed hogaamiye oo qura, waxaana la xasuusan yahay in Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud uu ka mid ahaa hogaamiyeyaashii ka baaqsaday ka qeybgalka shirkaasi sababo ku aadan ololihii doorasho ee uu ku raadinayay in xilka uu markale loo doorto, halka hogaamiyeyaasha kale ee Carbeed ay quursadeen qaban-qaabada iyo marti sooridda dalkaasi.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu joogo dalkaasi Urdun waxaa lafilaya in uu kulamo kaladuwan la yeesho madaxda qaar kamid ah wadamada Jaamacadda Carabta kuwaasi oo u dhoondoloola xaaladaha Soomaaliya.
Safarka madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo beegmaya ayadoo xili maalinta beri ah lafilayo in baarlamanka la horgeeyo xukuumadda cusub uu soo magacabay raiisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Like it? Share it!

Leave A Response