Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay arrimaha siyaasadd ee golaha wasiirada

by Hassan Ali | Monday, Mar 27, 2017 | 121 views

27,March,2017(SofoNews) Xili uu wareysi gaar ah siinayay warbaahinta dowladda Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka hadlay Caqabadaha la soo gudboonaaday xukuumadda cusub uu soo dhisay raiisul wasaare Kheyre.
Madaxweynaha Soomaaliya Max’ed C/laahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Baalamaanka Soomaaliya in ay mel mariyaan golaha Wasiirada cusub, waxa uuna tilmaamay in xiligan dalka uu ku jiro marxalad adag lagana wanaagsan yahay in khilaaf siyaasadeed la abuuro waqti kalana la lumiyo.
Madaxeynaha ayaa sheegay in Golaha Wasiirada Soomaaliya uu soo magacaabay Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ay yihiin dad aqoon badan u leh shaqada loo igmaday , waxa uuna cadeeyay in uu taageersan yahay Wsaiirada magacaaban.
Waxa uu sheegay Madaxweynaha in Xukuumada cusub uu soo dhisay Ra’isul Wasaare Kheyre ay tahay mid wanaagsan loona baahan yahay in la siiyo waqti ay wax ku qabato, waxa uuna shacabka ka codsaday in ay taageeraan Xukuumada cusub.
Guddoonka baarlamanka ayaa raiisul wasaraaha u gudbiayay qoraal ay soo saareen xildhibaanada qaar oo ku aadan in wax laga bedelo qaab dhismeedka xukuumadda taasi oo uu siweyn uga hadlay madaxweyne Farmaajo.

Like it? Share it!