Madaxweyne Farmaajo oo isku diyaarinaya caleema saarkiisa

by Hassan Ali | Tuesday, Feb 21, 2017 | 90 views

21,February,2017(SofoNews) Qaban qaabo ku aadan qabsoomidda munaasabadda caleema saarka madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ka soconaysa magaalaad Muqdisho taasi oo lagu wada in ay dhacdo maalinta beri ah.
Wafuud ka kala socoday caalamka iyo madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa soo gaarayaya magaalaad Muqdisho ayadoo mashquul uu kajiro airporka.
Waxaa Saakay oo Talaado ah Xiran Wadooyinka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya,waxaana Wadooyinka la dhigay Ciidamo isugu jira Boolis,Nabad Sugid iyo Milatariga Soomaaliya,iyadoo Meelaha qaarna lagu arkayo Ciidamada Midawga Afrika ee AMISOM kuwaasi oo isku diyaarinaya in ay amaanka sugaan inta ay socoto munaasabadda caleema saarka.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Gelinkii dambe ee Shalay sheegay in Wadooyinka Magaalada Muqdisho ay Xirnaanayaan Maalmaha kala ah Talaadada oo Maanta ah iyo Arbacada oo Berri ku beegan.
Ammaanka Muqdisho ayaa sidoo kale Saakay ah mid si aad ah loo adkeeyay,iyadoo aysan jirin wax Gaadiid ah oo wadooyinka Maraya,balse Dadka Lugta ah ay Wadooyinka Isticmaalayaan.

Like it? Share it!

Leave A Response