Madaxweyne Farmaajo oo booqanaya dalka Itoobiya

by Hassan Ali | Wednesday, May 3, 2017 | 164 views

3,MAy,2017(SofoNews) Ilo wareedyo laga helayo madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo uu tagidono dalka Itoobiya halkaasi oo uu kula mulmayo madaxda dalkaasi.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo  ayaa ka dambeysay kadib markii casuumaad rasmi ah uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Itoobiya Mulato Tshome iyo Ra’iisul Wasaare Hailemariam ayagoo ka wada hadlidoona xiriirka labada dal.

Waxaa uu booqan doonaan xarunta Midowga Africa ee Addis Ababa wxaana kamid ah waxyaabaha ugu muhiimsan oo laga wada hadlayo dagaalka ka dhanka ah Alshababa iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Waa Booqashadii ugu horeysay uu ku tago Madaxweyne Farmaajo  dalka Itoobiya tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

Like it? Share it!