Madaxweyne Farmaajo oo Baydhabo lagu soo dhaweeyey

by Hassan Ali | Sunday, Apr 23, 2017 | 69 views

23,April,22017(SofoNews) Madaxweynaha dowladda federaalka SOomaaliya iyo wefdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Mas’uuliyiin jale

Waxaa loo galbiyay Wafdiga Madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen  Xildhibaano, Wasiiro iyo saraakiil ka socota hey’adaha sama falka,  xarunta madaxtooyada K/Galbeed halkaasi oo kulamo ay kula yeesheen madaxda maamulkaasi.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la xiray waddooyinka, ayadoo la hakiyay isu socodka gaadiidka magaaladaasi

Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaya kii u horeeyay ee gudaha dalka uu ku tago, tan iyo markii uu ku guuleystay xilka Madaxweynaha horaantii bishii Febraayo.

Deegaanada Koonfur Galbeed ayaa waxaa kamid ah meelaha ay kajiraan dhibaatooyinka laga dhaxlay Alshaaab iyo abaaraha

 

Like it? Share it!

Leave A Response