Madaxweyne Farmaajo oo barakacayaasha Muqdisho booqday

by Hassan Ali | Wednesday, May 3, 2017 | 44 views

3,May,2017(SofoNews) Max’ed C/laahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah xeryaha ay ku nool yihiin dadka soo barakayaashs ee magaalada Muqdisho, si uu u hubiyo xaaladda nololeed ee dhabta ah oo ay ku sugan yihiin Barakacayaasha ku sugan gudaha iyo hareeraha magaalada.

Madaxwaynaha dowladda F.S  ayaa isagoo tixgalinaya xilli roobaadka la guda galay wuxuu u qaybiyay Barakacayaashaasi ku nool Muqdisho iyo hareeraheeda ee aan haysan hoyaga Bacaha roobka laga galo iyo Bustayaal, taasi oo ay si aad ah ugu diirsadeen

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa dhowr jeer horay u sheegay in dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo barnaamijkeeda koowaad uu yahay ka shaqaynta danta dalka iyo dadka, taasi uu ficil ahaan u muujiyay.

Booqashadan ayaa imaanaysa xili roobaab ay da’ayaan islamarkaana barakacayashu ay haysato daruuf aad u adag ee xagga nolosha ah.

Like it? Share it!

Leave A Response