Madaxweyne Farmaajo oo baarlamanka iyo shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay taageeraan xukuumadda cusub

by Hassan Ali | Wednesday, Mar 22, 2017 | 149 views

M22,March,2017(Sofonews) Madaxweynaha Soomaaliya o ka hadlayay magacaabista golaha wasiirada ayaa sheegay in ay kasoo baxeyn balantii ay horey u qaadeen ee ahaa in si deg deg ah loo soo magacaabo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya sidoo kale loo soo dhiso golaha Wasiirada Xukuumada cusub.
Dhanka kale Maxamed Cabdulaahi Farmaajo madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Aqalka Hoose in ay codka kalsoonida siiyaan golaha Wasiirada cusub uu ku dhawaaqay R/Wasaare Kheyre .
Waxa uu ka codsaday Madaxweyne Farmaajo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya in ay si deg deg ah codka kalsoonida u siiyaan golaha Wasiirada , waxa uuna tilmaamay in waqti badan aysan heysan loogana fadhiyo Xukuumada cusub waxqabad muuqda.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shalay magacaabay Golaha Wasiirada, waxaana Wasiirada cusub u badan yihiin aqoonyahano sumacd badan leh oo la filayo in waxqabad muuqda la yimaadaan.

Like it? Share it!