Madaxweyne Farmaajo been abuur ku tilmaamay warar sheegaya in la dhimayo tirade ciidanka xooga

by Hassan Ali | Monday, May 1, 2017 | 74 views

1,May,2017(SofoNews) Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha  dowladda F.S Soomaaliya ayaa waxkama jiraan ku tilmamaay warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in la dhimayo tirade ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed kadib markii uu ka qeybgalay munaasabad qeyb ka ahayd xiritaanka kalfadhigii 1aad ee xildhibaanada golaha shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegey in uu yahay war si qaldan loo tarjumay kaasi oo  Xildhibano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya a ku sheegeen  oo in la xadidayo tirada ciidanka Xooga Soomaaliyeed lagan dhigayo 18-kun askari oo kaliya.

Isagoo hadalkiis asii wata ayuu xusay Madaxweynaha Soomaaliya in uusan jirin ciidan la yareenayo ama shaqada laga eryayo, waxa uuna intaa raaciyay in si khaldan loo tarjumay warka ku aadan in ciidanka laga dhigayo 18-kun askari oo laga keenayo maamul goboleedyada dalka.

Farmaajo ayaa munaasabadasi ka yiri sida tan”Ciidankii horey u jiray waa sii shaqeenayaan, mana jiraan ciidan shaqada laga eryayo ,ciidankeenuna maahan 18-kun askari ee ugu yaraan weeyaan, waxa ayna ku xiran tahay tabarteena iyo inta aan qaadan karno warkiisa ayaana noqday mid siweyn loo hadal haya.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad dagaal ayna soo dhaweenayaan cid walbo oo gacan ka siineysa sidii looga adkaan lahaa waxa uu ugu yeeray kooxaha nabad diidka.

Like it? Share it!

Leave A Response