Madaxweyne Cali KHaliif Galeyr oo Burco gaaray

by Hassan Ali | Monday, Feb 6, 2017 | 158 views

6,February,2017(SofoNews) 24 sacadood gudohooda kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in uu xayiraad la kulmay Cali Qaliif Galeyr oo dhanka duulimaadka ah aya alagu soo waramaya in Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galeyr oo Shalay loo diiday inuu ka baxo  Magaalada Buuhoodle Garoon Diyaaradeed oo ku yaalla si uu u gaaro Wadanka Jabuuti ayaa la soo Warinayaa inuu gaaray Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxweyne Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegaya in uu haatan kusugan yahay magaalada Burco, macadda ilaa iyo haatan sababta dhabta ah ee ka dambeysa arintaasi balse wararka qar ayaa sheegaya in siyaasad ay ku lug leedahay.

Maamulka Somaliland ayaa horay wada hadal ula galay maamulka  aan weli la aqaansan ee Madaxweyne Cali Khaliif Galeyr, majiraan ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay safarka Cali Qaliif mana uusan ka hadlain arrinta qabsatay.

Arrintani ayaa siweyn loo ahadal hayaa ayadoo la aaminsanyahay in xiriirka Soomaaliland iyo maamulkaasi uusan wanaagsnayn.

Like it? Share it!