Madaxweyne Axmed Madoobe oo ugu baaqay xildhibaanada in ay ansixiyaan raiisul wasaaraha(Sawiro)

by Hassan Ali | Thursday, Feb 23, 2017 | 88 views

23,February,2017(SofoNews) Axmed Maxa’ed Islaam Axmed Madoobe Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa kulan qado ah la qaatay Xildhibaanada labada gole ee laga soo doortay Jubbaland .
Kulankan oo bogaadin, dhiirigalin, iyo Talo, isugu jiray ayuu Madaxweynahu la qaatay Xildhibaanada isaga oo ku bogaadiyay hawshiii wanaagsanayd ee ay qabteen mudadii hawlaha doorashooyinku ay socdeen.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in uu wali taagan yahay mowqifkiisi ahaa in Xildhibaanadu ay ka shaqeeyan wax Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed dan u ah isla markana aysan ka fikirin masaaliix gaar ah.
wuxuu ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ra”iisul Wasaaraha uu maanta magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya maadama ay Madaxweynaha iyagu kalsoonida siiyeen.
Dowladnimada soomaaliya ayuu xusay Madaxweynaha Jubbaland in ay iyaga gacantooda ku jirto oo hadii ay wax khaldaana ay dhumayso hadii ay dadaalana ay guulaysanayso.
Siyaasada Soomaaliya ayuu Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam sheegay in la joogo xiligii laga guuri lahaa nidaamka 4.5 oo loo jihaysan lahaa hananka Xisbiyada Badan oo Soomaaliya maanta muhiim u ah.
mar uu ka hadlayay Abaaraha, iyo xaalada amaan, ee dalka ayuu hoosta ka xariiqay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Dowladiisu ay tahay in ay xooga saaran balse hadii Xildhibaanadu ayna garab istaagin ay noqonayso hal bacaad lagu lisay.

16797011_833412823466287_6759635677229665200_o 16797884_833415013466068_3381665520061573237_o 16804229_833412483466321_3739268485311681248_o 16804487_833415543466015_3306924139051349258_o 16825967_833412370132999_6998878215725627331_o 16836376_833412280133008_8275100756320068274_o 16903113_833415026799400_3779557606852123789_o 16903323_833412533466316_1204227631619761274_o

Like it? Share it!

Leave A Response