Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo wada jir u dhagax dhigay safaaradda Jabuuti ee Muqdisho

by Hassan Ali | Wednesday, Feb 22, 2017 | 83 views

22,February,2017(SofoNews) Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dib u dhis lagu sameynayo safaarddi Jabuuti ee Soomaaliya taasi oo burbursanayd intii dalka Soomaaliya fowdada ay kajirtay.
Mas’uuliyiintani ayaa barqonimadii maanta sameeyey dhagax dhigaasi ka hor inta aysan ka qeyb galin munaasabadda caleema saarka madaxweyne Farmaajo oo maanta Muqdisho ka dhacday.
Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa magaalada Muqdisho u yimid in uu ka qeyb galo caleemo saarka Madaxweyna cusub ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo, waxa uu sidoo kale fursad u helay in uu dhagax dhigo Safaarda Jabuuti ee Muqdisho.
Safaarada Jabuuti ee magaalada Muqdisho ayaa mudo sanado ah ku shaqeeneysay dhismo kuyaala meel ku dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana la filayaa marka ay dhamaato dhisamaha in safaarada ay halkaasi ka shaqeyso.
Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya ayaa sheegey in safaaradda loo rari doono dhismaha cusub haddii la soo geba gebeeyo.

Like it? Share it!

Leave A Response