Madaxweynayaasha Shiinaha iyo Mareykanka oo kulan u balansan

by Hassan Ali | Monday, Apr 3, 2017 | 76 views

3,April,2017(SofoNews) Madaxweyne Donal Jey Trump oo lahadlayay wargeyska The Financial Times ayaa sheegey in hadii Shiinuhu uu xallin kari waayo arrinta Kuuriyada Waqooyi ay taasi noqoneyso in Mareykanku uu faraha la soo galo.
Waxaa la qorsheynayaa in kulan uu dhex maro madaxweyne Trump iyo madaxweynaha Shiinaha kaasi oo diiradda lagu saaridoono barnaamijka Nuclearka ee Waqooyiga Kuuriya.
La taliyaha dhinaca ammaanka ee Madaxweyne Trump ayaa haatan ku howlan sidii uu u dhameystiri lahaa tallooyin dhowr ah oo ku aadan xaalada kuuriyada waqooyi kahor inta aanu Trump safarkiisi ugu horeeyay ku tagin qaarada Asiya.
Rex Tillerson Xoghaya arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in siyaasadii reer galbeedka ee Kuuriyada Waqooyi ay guul dareysatay 20kii sanno ee la soo dhaafay.
Horaantii sannadkii hore ayay aheyd markii golaha amnaanka ee Qaramada Midoobeey ay si wada jir ah u cambaareeyeen dowladda Kuuriyada Waqooyi oo xiligaas tijaabisay gantaallada riddada dheer

Like it? Share it!

Leave A Response