Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya oo kulan gaar ah xalay ku yeeshey Nairobi

by Hassan Ali | Friday, Mar 24, 2017 | 104 views

24,March,2017(SofoNews) Xarunta madaxtooyada magaalaad Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacday munaasabada casho sharaf ah oo loo sameeyey Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho ku jooga dalka Kenya.
Casho sharafta waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ka qeyb galay madaxweyne ku-xigeenka dalkaas William Rhuto iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Kenya.
Kulanka casho sharafta ahaa waxaa ay iskula soo hadal qaadeen arrimo badan oo ay kamid yihiin xiriirka labada dal waxayna isku diyaarinayaan kulan gaar aha oo ka dhacaya magalaad Nairoobi kaasi oo ay ka qeybgalayaan madaxda urur goboleedka IGaD.
Kullankan oo ay marti gelinayso Kenya waxaa lagu eegi doonaa xaaladda abaarta iyo sidii wax looga qaban lahaa, arrinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya doonayso in ay dib ugu celiso Soomaaliya, Xaaladda ammaanka, iyo dabcan taageerada IGAD ee kullanka Soomaalida ee lagu qaban doono London bisha May ee soo socota.
Madaxweynaha Soomaaliya Max’ed C/laahi MAx’ed Farmaajo ayaa waxaa uu dadaal xoogan ugu jiraa sidii horumar dalka uu u gaari lahaa waxaana haatan u yaala howlo adag oo ay kamid yihiin in baarlamanka uu codka kalsoonida siyo xukuumadda uu soo dhisay raiisul wasaaraha uu soo magacaabay Kheyre

Like it? Share it!