Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Faransiiska oo arrimaha Soomaaliya isla soo hadal qaaday

by Hassan Ali | Thursday, Mar 2, 2017 | 81 views

2,March,2017(SofoNews) Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jabuuti oo booqasho ku tagay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, aya kulamo la yeelanayan madaxweynaha dalkaasi Faransiisika Francois Hollande.
Mas’uuliyiintan ayaa Aqalka Madaxtooyada Paris ku yeeshey kulan soo dhaweyn ah oo loo sameynayaay wefdi uu hogaaminayay madaxweynaha Jabuuti Mr Geele, waxayna Labada Madaxweyne ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada badan leh ee ay wadaan labada dal iyo xaalada Gobolka Geeska Afrika.
Waxaa ay isla soo qaadeen arrimaha Soomaaliya iyo is bedelka Siyaasadeed ee ka dhacay, waxaana Faransiiska uu muujiyay in si dhow ah isha ugu haayo xaalada Soomaaliya.
Madaxweynaha Faransiiska ayaa soo hadal qaaday doorka Jabuuti ka qaadaneyso nabad ilaalinta Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.
Waxaa uu balan qaaday inay joogteyn doonaan taageerada ay siinayaan Jabuuti, gaar ahaan dhinacyada tababarada ciidamada Jabuuti iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.
Faransiiska oo horay u gumeystay Jabuuti ayaa saldhig milateri ku leh dalkaas, waxaana uu yahay dal saameyn weyn ku leh siyaasada Jabuuti.
Dowladda Jabuuti ayaa kamid ah wadamada taageera Soomaaliya ayadoo ciidamo ay ka joogaan dalka

Like it? Share it!

Leave A Response