Madaxweynayaasha Gakmudug iyo Puntland oo gaalkacyo ku shirsan maanta

by Hassan Ali | Saturday, Nov 12, 2016 | 186 views

12,November,2016(SofoNews) Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ka soconaya kulan u dhexeeya  Madaxweynaha Maamulka Puntlland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, kulankaas oo looga hadli doono colaada ka taagan Magaalada  Gaalkacyo.

Kulankan ayaa la filaaya in ay goob joog ka noqdaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Madaxweynaha Jubbaland, Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya iyo xubno kale.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa labadoodaba ku sugan Magaalada Gaalkacyo.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galaya qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Mudug.

Shacab aad u fara badan ayaa ka cararya dagaaladii ka dhacay magaalaad Gaalkacyo ayadoo kuwaasi oo haatan kunool duledyada magaladaasi

 

Like it? Share it!

Leave A Response