Madaxweynaha Turkiga oo xiriir la soo sameyeey madaxweyne Farmaajo

by Hassan Ali | Friday, Feb 10, 2017 | 177 views

10,February,2017(SofoNews) Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha  Turkiga Reccep Dayib Erdogan uu khadka telefanka kula soo xiriiray dhigiisa cusub ee loo doortay Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo isagoo ugu hambalyeeyeey guusha uu gaaray.

Madaxweyne Erdogan ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyay  madaxweyne Farmaajo, wuxuuna xusay in doorashadaas ay muujineyso in Somalia ay cagta saartay wadada nabada, Dimoqraadiyada iyo Horumarka.
Ilo wareedyo ku dhow wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga sheegaya in dowlada wadankaas ay soo dhoweyneyso isbedelka ka dhacay Somalia iyo doorashada madaxweynaha cusub waxaana warkaasi qoraalka ah lagu sheegey in  xukuumadda Ankara ay sii wadayso taageeradeeda Soomaaliya.

Max,ed C/laahi Max,ed Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya  ayaa dhankiisa uga mahad celiyey Erdogan xiriirka uu la soo sameeyey, wuxuuna xusay shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed ay abaal weyn u hayaan shacabka iyo dowlada Turkiga oo uu xusay iney mar kasta garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Turkiga ayaa ka mid ah saaxiibada ugu waaweyn ee taageera dowladda Somalia, wuxuuna Soomaliya ka hirgeliyey sanadihii la soo dhaafay mashaariic horumarin ah oo ay ka mid yihiin isbitaalo, Iskuulo, dhismaha wadooyin cusub iyo qaar kale.

Waxaa sii kordhaya dowladaha taageerada u muujinaya madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Max,ed C,laahi Farmaajo ayadoo gud ahaan beesha caalamka iyojaamacadda Carabta ay si wada jir ah u soo dhaweeyeen doorashada Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response