Madaxweynaha Turkiga oo hanjabaad u jeediyaya wadamo Yurub kuyaala

by Hassan Ali | Monday, Mar 20, 2017 | 123 views

20,March,2017(SofoNews) Rajib Dayip Ordugan Madaxweynaha Turkiga ayaa weerara xoogan oo afka ah ku beegsaday qaar kamid ah dallaka Dhaca qaaradda Yurub, sida wadamada Jarmalka iyo Holand, madaxweyne Ordugan ayaa ku eedeyeey dalakasi in ay yihiin wadmo cunsuriyiin ah.
Isagoo meel fagaare ah kulahadlayaya kumanaan dadwyne ah ayaa waxaa uu fariin cad u diray jaaliyadaha Turkiga ee kunool wadamada Yurub, Ordugan ayaa ku booriayay dadka Turkiga in ay isku xirnaadaan ayna ka dhexmuuqdaan dadka ay ku dhexnoolyihiin.
Erdogan ayaa ugu baaqay dadyowga Turkiga ee ku nool dalalka Yurub inay awood ku yeeshaan dhulka ay ku nool yihiin , ayna noqdaan dad isku xiran oo awood dhinac kasta leh oo ka dhax muuqda Wadamada ay jogaan.
Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dadka Turkida ee Yurub kunool in ay dhalaan caruur badan si ay u noqdaan dad badan, waxa uu sidoo kale ugu baaqay in ay noqdaan kuwa nolal ahaan ka wanagasan dadyowga kale.
Ilaaqaadka u dhexeeya Turkiga iyo wadamo badan oo kuyaala qaaradda Yurub ayaa sii xumaaday wixii ka dambeeyey markii laga hor istaagay dadweyne Turki ah oo kunool wadamada qaar kood in ay sameyaan banaan baxyo ay ku taageerayaan madaxweyne Ordugan

Like it? Share it!