Madaxweynaha Turkiga oo booqanaya Soomaaliya

by Hassan Ali | Saturday, Mar 18, 2017 | 153 views

18,March,2017(sofoNews) Sida ay baahiyeen qar kamid ah warbaahinta dalka Turkiga, madaxweynaha dalkasi Rajab Dayib Ordugan ayaa lagu wadaa in dhawaan uu soo gaaro Soomaaliya isagoo dhiiro gelinaya uhurmashada dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Wararka qaar aya sheegaya in xukuumada Ankara ay diyaarinayso saldhigii ugu weynaa ee Miltri ah oo ay ka furnayso caasimada Soomaaliya ee Muqdisho bisha soo socota ee April si ay tababar ugu furto ciidanka qaranka Soomaaliyeed si ay ugu suurta gasho xoojinta xasiloonida Somaaliya.
Qorshaahasi lagu tababarayo ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa ku baxaya lacag gaaraysaa 50Milion oo dollar ayadoo xeradaasi ay ku taalo ag agaarka warshadii hore ee Nac NAca ee kutaal degmada Wadajir ee magaalaad Muqdisho.
Waxaa la filayaa inuu yimaado madaxweynaha Turkiga rajab Dayib Ordugan iyo abaandulaha ciidamada Turkiha Khalusi Akar Muqdisho si ay uga qeyb galaan xaflada furitaanka saldhigasi Militery.
Dhawaan ayaa waxaa halkaasi si wada jir ah u tagay Wasiirka difaaca Soomaliya iyo taliyeyaasha ciidamada ayagoo u kuurgalaya dhismaha xaruntaaasi.

Like it? Share it!