Madaxweynaha Trump oo lataliye cusub dhanka amniga u magacaabay

by Hassan Ali | Tuesday, Feb 21, 2017 | 164 views

21,February,2017(SofoNews) Jahwareer dhanka siyaasadda ah ayaa haysat Madaxweynaha Maraykanka, Donald Jey Trump, kadib markii muddo yer gudohooda xilil uu magacaabay la iska casilay,wuxuuna haatan uumagacaabay lataliyihiisa ammaanka qaran u magacaabay jeneraal HR McMaster, kaasoo bedeli doona jeneraal Michael Flynn.
Jen. Flynn oo xilkaasi hayay 24 cisho oo keliya ayaa laga eryay ka dib markii lagu eedeeyay in uu xiriir aan munaasab ahayn la sameeyay Ruushka.
McMaster ayaa ka tirsan ciidanka Maraykanka, waxaana uu ka qeyb qaatay dagaalladii Ciraaq iyo Afghanistan, asagoo ka shaqeynayay ka hortaga musuq maasuqa.
Ninka uu madaxweyne Trump la rabay xilkan oo lagu magacaabo Robert Harward ayaa diiday, asagoo sheegay in ay jiraan sababo gaar u ah.
Warbaahinta caalamka ayaa siweyn uga hadlaya in jen. McMaster uu caan ku yahay soo bandhigidda aragtidiisa, waxaana shaqsiga loo magacaabay lataliyaha ammaanka qaran ayaa sheegay in uu ka mahadcelinayo fursadan la siiyay.

Like it? Share it!