Madaxweynaha Soomaliya oo balanqaaday in si dhab ah ugu adeegi doono bulshada

by Hassan Ali | Friday, Feb 10, 2017 | 112 views

10,February,2017(SofoNews) Max,ed C/laahi Max,ed Farmaajo madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya aya xalay saqdhexe lahadlayay dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqay in ay degnaansho muujiyaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale guusha uu gaaray waxa ay horseeday in ay is dhax galaan iskuna soo dhawaadaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Muqdisho iyo Ciidamada qalabka sida oo markii hore kala didsanaa ama kala baqan jiray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegey in dowladdiisu ay shacabka Soomaaliyeed ay ugu shaqeyndoonto si dhab ah kana codsaday in ay shacabku lashaqeeyaan dowladda.

Gaadiidka Ciidanka Dowlada  iyo gaadiidka kale ay wataan Madaxda dowlada ee Qooqanada ayaa 24 sacadood ee la soo dhaafay lagu arkayay magaalada Muqdisho ayadoo dusha ay ka saaran yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada Dowlada ayaa la arkayay iyaga oo dhaxda ka galay shacabka Soomaaliyeed lana qadeenaya sidoo kale sawiro la galaya, Ciidamada qaar ayaana si kalsooni leh mararka qaar hubkooda shacabka gaar ahaan gabdhaha ugu dhiibay si ay sawiro ugu galaan.

Waa markii ugu horeysay madaxweyne Soomaaliyeed sidan loo taageero tan iyo burburkii dalka uu soo maray.

Like it? Share it!

Leave A Response