Madaxweynaha Soomaaliya oo taliye cusub u mgacaabay madaxtooyada

by Hassan Ali | Sunday, Mar 26, 2017 | 153 views

26,March,2017(SofoNews) Degreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa lagu shaaciyay in isbedel lagu sameeyeey taliyihii hore ee ilaalada madaxtooyada ayadoo lamagacaabay taliye cusub.
Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada Jen. Ibraahim Sheekh Muxiyadiin oo ahaa nin si weyn ugu dhawaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa xilka laga qaaday, waxaana lagu bedelay oo taliyaha ilaalada Madaxtooyada laga dhigay Col. Axmed Maxamed Afcadey.
Taliyaha cusub ee loo magacaabay ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya Col. Axmed Maxamed Afcadey ayaa horey xilkaasi usoo qabtay xiligii uu Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweyne dalka ka ahaa.
Inta badan Agaasimayaashii Xarunta Madaxtooyada iyo xubnihii kale ee lasoo shaqeeyay Madaxweynihii hore ee ku sugnaa xarunta Madaxtooyada ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay waxaana lagu bedelay xubno kale oo ku dhaw dhaw Madaxweynaha cusub.
Mahan talaabadii ugu horeysay oo wax looga bedelo saraakiishii iyo howlwadeenadii madaxtooyada Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response