Madaxweynaha Soomaaliya oo Nairobi uga qeybgalay kulan dhaqaale loogu uruurinayay abaraaha

by Hassan Ali | Saturday, Mar 25, 2017 | 212 views

25,March,2017(SofoNews) Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane ayaa ka uga qeybgalay kulan ay soo qabanqaabisay safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi, kaasoo lacago loogu uruurinayay dadka ay abaarahu saameeyeen oo ka dhacay magaalada Nairoobi.
Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Danjire Jamaal Maxamed Xasan, Ku-simaha Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Cali Caynte, Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Barlamaanka Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale, ganacsatada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.
Danjire Jamaal ayaa sheegay in muhimadda kulankan uu yahay in shacabka Soomaaliyeed ee ku nool ay la kulmaan Madaxweynaha iyo in ay ka qeyb qaataan ololaha loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.
Madaxweynaha oo khudbad meesha ka jeediyay ayaa ku baraarujiyay dadka Soomaaliyeed in ay isu gargaaraan maadaama abaaro iyo cudurro ay ka dilaaceen dalka Soomaaliya.
Xubno ka socday ganacsatada dalka Kenya oo madasha ka hadlay ayaa dhankooda soo dhaweeyay booqashada Madaxweynaha, waxa ayna ballan qaadeen in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan hawlaha samafalka.
Madaxweyne Maxamed cabdullaahi farmaajo ayaa uga mahadceliyay jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya sidii ay taageerada ugu muujiyeen markii la doortay. Madaxweynaha ayaa ka codsaday in ay ku kalsoonaadaan dowladda cusub si loo dardargeliyo hawlaha qaranka.

IB0A6010 IB0A6027 IB0A6038 IB0A6048 IB0A6049 IB0A6056 IB0A6058 IMG_6007-640x427

Like it? Share it!