Madaxweynaha Soomaaliya oo lakulmay wefdi uu hogaaminaya guddoomiyaha midowga Africa oo Muqdisho soo gaaray

by Hassan Ali | Saturday, Mar 18, 2017 | 88 views

18,March,2017(SofoNews) Maxaa maanta magaalaad Muqdisho soo gaaray Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Mousa Faki iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalaad Muqdisho raiisul wasaaraha Soomaaliya, mas’uuliyiin kale oo katirsan dowladda Soomaaliya iyo saraakiil katirsan Amisom.
Socdaalka Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Muqdisho ayaa la sheegay inay xiriirto arrimaha abaaraha ka jira Soomaaliya iyo dar dar gelinta howl galka AMISOM.
Waxaa uu Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya uu kulan kula yeeshey Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayagoo ka wada hadalay arrimo ay kamid yihiin abaaraha,iyo kaalinta midowga Africa ay ka qaadan karaan gurmadka abaaraha.
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la xiray waddooyin muhiim ah oo halbowle u ah isu socodka xaafadaha Muqdisho.
Waxaa hakad galay geba ahaanba isu socodka dadka iyo gaadiidka ayadoo lafilayo in maanta uu dib u laabto

Like it? Share it!

Leave A Response