Madaxweynaha Soomaaliya oo ku baaqay in xayiradda hubka ah laga qaado Soomaaliya

by Hassan Ali | Thursday, May 11, 2017 | 198 views

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay shirka London ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday arrimaha ammaanka iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay qorshaha ammaanka qaranka uu yahay mid xoojinaya Ciidamada qalabka sida, isla markaana sare u qaadaya tayada ciidamada, isagoo ku kalsoon yahay in si wada jir ah Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM Al-Shabaab uga saaraan magaalooyinka.

Sidoo kale Farmaajo ayaa sheegay in meelaha laga saaro Al-Shabaab laga hirgelinayo maamulo maxali ah, isagoo xusay inuu aaminsan yahay in bulshada, dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka ay si wada jir ah uga wada shaqeyn doonaan sidii dalka loo xasilin lahaa.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday sida ay lagama maarmaan u tahay in laga adkaado Al-Shabaab, Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay la helo hub ka tayo wanaagsan kan Al-Shabaab, ciidamada ammaankana ay helaan hub casri ah, waxaana uu soo jeediyay in laga qaado Soomaaliya cunaqabateynta hubka.

Farmaajo ayaa sheegay in sanadkii 2013 cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya la qaaday qeyb ka mid ah, waxaana uu xusay in loo baahan yahay in la helo hub casri ah, si looga adkaado Al-Shabaab.

Waxaa uu xusay inay ka shaqeyn doonaan habkii loo maareyn lahaa hubka, isla markaana dowladaha saaxibada la ah Soomaaliya iyo Golaha Ammaanka loo baahan yahay inay ka wada shaqeeyaan qorshe dhameystiran cunaqabateynta hubka looga qaadayo Soomaaliya.

 

Like it? Share it!