Madaxweynaha Soomaaliya oo Jaamacadda Carabta ugu baaqay in ay ka dhabeeyan balanqaadyada ay Soomaaliya u sameeyeen

by Hassan Ali | Thursday, Mar 30, 2017 | 62 views

30,March,2017(SofoNews) Shirmadaxeedkii ay dalka Joordan ku lahaayeen hogaamiyasha dalalka ku bohoobay urur ka Jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya kujirto ayaa lagu soogeba gebeyey dalkasi.
Shirkaasi ayaa waxaa laga soo saaray warmurtiyeed ku xusnaa qodobo ay kamid ahaayeen in jamaacdda Carabtu ay xiriir la yeelanayso oo qura Israel marka ay ka baxdo dhulka Falestiiniyiinta.
Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah kula qaatay Magaalada Camaan Boqorka dalka Jordan Boqor Cabdalaha Labaad, kadib markii uu soo dhamaaday kulankii Madaxda Jaamacada Carabta ee dalkaasi lagu qabtay.
Kulanka dhax maray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Boqorka Jordan ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xariirka ka dhaxeeya labada Dowladood, waxa ayna isla garteen labada Masuul in lasii xoojiyo xariirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ahaa ee ka dhaxeeyay labada dal.
Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa ka codsaday Boqorka dalka Jordan in uu taageero dowlada cusub sidoo kale gacan ka geesato dowladiisa gurmadka loo sameenayo dadka ay saameeyeen abaaraha Soomaaliya ku dhuftay.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo la qaatay madax katirsan Jaamacada Carabta ay kawada hadleen xoojin xariirka kala dhaxeeya Soomaaliya iyo in ay taageero weyn siiyaan dowlada cusub.
Ugu dambeyntii wuxuu ugu baaqay in ay ka dhabeeyaan balanqaadyada ay sameynayaan oo ah in ay Soomaaliya ka taageerayaan dhinacyo badan

Like it? Share it!

Leave A Response