Madaxweynaha Ruusha oo ka hadlay doorashooyinka Mareykanka

by Hassan Ali | Friday, Oct 28, 2016 | 125 views

28,Oct,2016(SofoNews) Hogaamiyaha dalka Ruushka,Vladimir Putin, ayaa ku gacan seerey oo ku tilmaamay eedaha ah in dalkiisu faragelin ku hayo doorashada Maraykanka kuwo aan macno lahayn, waxaanu xusay  in Moscow aanay musharaxiinta tartanka ugu jira Aqalka Cad midkoodna gaar u xigsanayn.

Hadalka madaxweynaha Ruushka ayaa ka dambeeyey kadib markii Mareyanka uu ku eedeeyey in uu faraha uu kula jiro arrimaha siyaasadda dalkaasi.

In kasta oo xirirka u dhexeeya  Ruushka iyo Maraykanka uu hoos u dhacay, hadana Putin wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo qofkii ku guulaysta doorashada bisha dambe dhacaysa isla markaana ay iskaashi la yeeshaan Maraykanka.

Waxa kale oo uu ka hadlay Donald Trump oo hore u sheegay in ay haboontahay in la furo wadahadal lagu hagaajinayo xidhiidha Maraykanku la leeyahay Ruusha, waxaanu yidhi waa tallaabo mudan in la soo dhaweeyo.

Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Ruushka ayaa ku kala tagay arrimaha siyaasadda bariga dhexe gaar ahaan colaadaha siiriya ayadoo midba midka kale uu ku eedeynayo in uu hurinayo colaadda.

Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa dhawaan codka diidmada qeexan ee Veto powerka loo yaqaano ku diiday qaraar ku aadan joojinta colaadda Syria

Like it? Share it!

Leave A Response