Madaxweynaha Puntland oo degmada Carmo ka ka dhagx dhigay guriga martida

by Hassan Ali | Friday, Oct 28, 2016 | 213 views

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Oo maalinimadii shalay ilaa xalay kulammo kala duwan carmo kula qaadanayey gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan iyo Taageerayaashiisa oo uu khilaaf u dhexeeyey maamulka puntland ayaa saaka ka jawaabay codsigii bulshada carmo ee kadib markii uu maanta dhagax dhigay guriga martida iyo madaxtooyada puntland magaalada carmo.
Lama oga natiijadii kasoo baxday kulan saacado qaatay oo ay wada yeesheen madaxweynaha maamulka puntland iyo cabdisamed maxamed gallanmaadaama aan saxaafada loo soo bandhigin.
Duqa Degmada Carm oo ugu horayn goobtii dhagax madatooyada ka hadlay ayaa madaxweyne gaas ugu mahdceliyey dhagaxgida madaxtooyada cusub.
Gudoomiyaha gobolka bari ayaa sheegay in madaxtooyo ay yeelato carmo ay tahay talaabo horumar leh loo baahnaa.
Isimada iyo culimada ayaa sheegay in loobaahnaa madaxtooyo kale oo puntland ku yeelato gobolka bari madaxweynaha maamulka puntland cabdiweli maxamed caligaas ayaa sheegay in puntland ay waajib ku tahay inay carmo ka samaysato madaxtooyolamida kuwa ka jira magaalooyinka kale.
Baahi weyn ayey degmada carmo u qabtaa in laga sameeyo madaxtooyo puntland, waa magaalo isku xirta xarunta ganacsiga puntland iyo gobollada kale ee dalka, inbadan ayaanu carmo nimi waxaa ku taala xarunta akadeemiyada ciidanka qaranka, masuuliyiinta puntland waa umuhiim carmo, waajib ayeyna nagu tahay inaan ka shaqayno madaxtooyo laga hirgeliyo carmo “ayuu yiri” guddoomiyaha gobolak Bari.
Madaxweynaha puntland ayaa intaas ku soo afmeeray socdaal 2beri oo uu ku joogay magaalada carmo waxaana uu u ambabaxay magaalada Garoowe ee casmimada puntland isagoona siimayray magaalada qardho.

Like it? Share it!