Madaxweynaha oo Lacag badan bixinaya si u helo macluumaadka Al-Shabaab

by admin | Sunday, Feb 19, 2017 | 150 views

19 Feb 2017 (SofoNews) – Madaxweynaha Dhowaantan la doortay ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisa ay bixindoonto lacag cadadkeeda lagu sheegay US$100,000 taasi oo abaalmarin ahaan loo siindoono qofkii soo sheega macluumaad la xiriira alshabaab iyo gaari ay doonayaan in ay qarxiyaan.

Hadalkan oo uu soo saaray caawa ayaa ku soo beegmay xilli maanta weerar xooggan oo ka dhacay suuq ku yaalla muqdisho ay ku dhinteen dad farabadan iyada oo dhaawacana uu yahay mid aad u badan.

Madaxweynaha ayaa caawa booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxa ee la jiifiyay cisbitaalka Madina isaga oo dhanka kale sheegay in caafimaad dibadeed loo raadinayo dadka la xanuunsanaya dhaawacyada cul culus.

Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in dagaal toos ah ay la galayaan dowladda Farmaajo oo sida ay hadalka u dhigeen aan waxbadan ka duwanayn dowladihii hore.

Like it? Share it!

Leave A Response