Madaxweynaha Koonfur Africa oo loo jeediayay in uu xilka ka dego

by Hassan Ali | Wednesday, Apr 5, 2017 | 63 views

5,March,2017(SofoNews) Hogaamiyaha dalka Koonfur Africa Afrika Jocob Zuma ayaa xiligan la kulmaya mucaaradad weyn oo uga imaaneysa Siyaasiyiin iyo ururada dalkaasi ka jira, kadib markii uu shaqada ka eryay Wasiiro badan oo taageero ku lahaa dalkaasi.
Waxaa loogu baaqay madaxweynaha in uu xilka ka dego taasi o ay soo jeedinayaan Midowga Ururka Shaqaalaha dalka Koonfur Afrika oo ah kan ugu awooda badan dalka Koonfur Afrika ayna xubno ka yihiin dad gaaraya 1.8 malyuun oo qof.
Cosatu, Bheki Ntshalintshali oo ah Xoghayaha guud ee ururkaasi ayaa sheegay in ay kula talinayaan in Madaxweyne Zuma uu xilka ka tago maadaama waxii xilgan ka dambeeya uusan ku habooneyn in uu talada sii hayo uuna sii hogaamiyo dalka Koonfur Afrika.
Siyaasiyiin iyo dad kale oo kasoo qeyb qaatay halgankii dalka looga xureeyay Midab takoorkii ayaa ugu baaqay Xisbiga talada haya ee ANC in ay dib u eegaan Madaxweyne Jocob Zuma kuna cadaadiyaan in uu xilka iska casilo maadaama uu hogaaminta ku fashilmay.
Naceybka loo qabo Jocob Zuma ayaa sii xoogeestay kadib markii uu shaqada ka eryay Wasiiro saameyn badan lahaa oo Xukuumadiisa katirsanaa uu ku jiray Wasiirkii Maaliyada Pravin Gordhan oo ah nin si weyn loo xushmeeyo, waxaana dhulka galay dhaqaalaha dalkaasi Koonfur Afrika.
Madaxweyne Zuma ayaa dhawaan loo diiday in uu ka qeybgalo aaska shaqsi caan ka ahaa dalkaasi Koonfur Africa.

Like it? Share it!

Leave A Response