Madaxweynaha K/Africa oo xilkii ka xayuubiyay wasiirkii maaliyadda

by Hassan Ali | Friday, Mar 31, 2017 | 66 views

31,March,2017(SofoNews) Jacob Zuma Madaxweynaha dalka Koonfur Africa ayaa lagu soo waramaya in uu xilka qaadis ku sameeyeey wasiirkii maaliyadda dalkaasi kadib markii lagu soo eedeeyeey in uu ku lugyeeshey arrimo musuq maasuq ku aadan.
Madaxweynaha Zuma ayaa khudbadd uu u jeediyaya shacabka dalkasi kaga hadlay isbedelada lagu sameynayo gaolah awasiirada taasi oo micneheedi uu ku tilmaamay in ay tahay talaabo dhanka dhaqaalaha loo qaadayo.
Lacagta Rand ee Koofur Afrika ayaa qiimaheedu uu hoos u dhacay isla markii la magacaabay ninkii isaga beddeli lahaa, oo ah nin aan khibrad badan u lahayn arrimaha dhaqaalaha, laakinse taageere weyn u ah madaxweyne Zuma.
Waxaa jiri doona jawaabo kulul oo soo bixi doona kuwaasoo isugu jira kuwo dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed, ayadoo madaxweynuhuna uu la daalaa dhacayo eedeymo musuqmaasuq iyo wax loogu magac daray “dal qabsasho” oo ah saamaynta siyaasadeed ee ay leeyihiin qoys uu muran ka taagan yahay.
Dowladda Koonfur Africa ayaa Heshiis ay Ruushka la gashey kaga hadashey in la sameeyo warshad tamarta ka samaysa nukliyeerka taasi oo dad badan ay su’aalo iska waydiinayaan.

Like it? Share it!

Leave A Response