Madaxweynaha Jubbaland oo Nairobi siminaar ugu soo xiray xildhibaano(Sawirro)

by Hassan Ali | Wednesday, Mar 15, 2017 | 92 views

15,March,2017(SofoNews) Madaxweynaha maamul goboleedka Juballand ayaa xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Jubbaland waxa uu magaalada Nairobi ugu soo xiray siminaar looga hadlayay tayada kor u qaadida xubnaha baarlamaanka Jubbaland.
Siminaarka oo socday muddo 6 cisho ah ayaa gabagabadiisa waxaa ka soo qeybgalay madaxweynaha maamulka Jubbaland, Guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland, safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Kenya, saraakiil ka socotay AMISOM iyo mas’uuliyiin kale.
Siminaarka ayaa xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Jubbaland oo gaarayay ku dhowaad 40 mudane waxaa lagu barayay casharo ay kamid ahaayeen tayada kor u qaadida hanaanka shaqo ee baarlamaamka Jubbaland.
Xildhibaan Axmed Taajir oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Jubbaland iyo safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya ayaa goobta ka hadlay.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo siminaarka soo xiray ayaa xildhibaannada Jubbaland ku boggaadiyay waxyaabaha ay barteen, isagoo ka rajeeyay in ay u sii gudbin doonaan dadka ku sugan goobihii ay ka yimaadeen.

17190420_1249328265120671_5668755361807080986_n 17190531_1249328078454023_7946229968199548841_n 17190649_1249924118394419_1897997360520622167_n 17308778_1249328005120697_8330900440878470329_n 17342888_1249328191787345_91333465796595760_n

 

Like it? Share it!

Leave A Response