Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaqay gurmad deg deg ah in lala gaaro dadka ay abaartu saameysay

by Hassan Ali | Sunday, Mar 5, 2017 | 140 views

5,March,2017(SofoNews) Wafdigan uu hogaminayay madaxweynaha dowlad goboleedka jubbaland oo isugu jiray xildhibaano iyo wasiiro ayaa markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha magalada kismaayo waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay masuuliyiinta maamulka iyo qeybaha bulshada magalada kismaayo.
Madaxweynaha dolwad goboleedka jubbaland axmed maxamed islaam oo saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha magalada kismaayo ayaa soo hadal qaaday abaaraha dalka ka jira ayaa sheegay in soomaaliyad ay maanta isku tashadaan islamarkaana la bilaabo gurmad dagdag dag dag si loo badbaadiyo dadka ay baaruha ku lee Anaya, isagoona sidoo kale soo hadal qaaday xaaladaha ka taagan gobolka gedo.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday dagaal ka dhan ah AlShabaab wuxuuna xusay in si deg deg ah looga xoreyn doono Shabaab deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka.
Axmed MAx’ed Islaam Axmed Madoobe oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa wuxuu intii uu joogay kulamo la yeeshey mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya

Like it? Share it!