Madaxweynaha Jabuuti oo daah furay mashruuc horumarineed

by Hassan Ali | Sunday, Mar 12, 2017 | 73 views

12,March,2017(SofoNews) Madaxweynaha Djibouti Ismaciil Omar Gelle ayaa waxaa uu kaqayb galay xaflad lagu furayay xarunta maalgashiga iyo horumarinta dalka Djibouti, agasimaha wakalada maalgashiga iyo horumarinta Djibouti waxa uuna sheegay in xaruntan ay kaqayb qadan doonto shaqo abuurista dhalinyarada dalka iyo horumarka dhinaca dhaqalaha Djibouti
Waxa sidoo kale gobtaas kahadlay gudomiyaha rugta ganacsiga Djibouti yuuduf muuse dawaale waxa uuna sheegay inay jiraan dowlado badan oo donaya inay maalgashi ku sameyaan wadankan iyo dhaman geeska Afrika
Intaa kadib waxaa xafladan hadal ka jeediyay wasiiru dowlaha madaxtoyada Djibouti cali geele abuubakar waxa uuna sheegay inay dowlada Djibouti ay aad diyaar u tahay soo dhaweynta cidwalba oo donaysa maalgashiga Djibouti
gabagabadii xafladaas ayaa waxa kahadlay madaxeeynaha Djibouti mudane ismaciil omar geele waxa uuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay horumarka dhinaca maalgashiga ee wadanku gaaray wuxuuna sidoo kale uu bogaadiyaya horumarada ay ku talaabsanayaan ganacsatada dalka Jabuuti.

Like it? Share it!

Leave A Response