Madaxweynaha HirShabeele oo Muqdisho soo gaaray

by Hassan Ali | Friday, Nov 11, 2016 | 197 views

11,November,2016(SofoNews) Safarka madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa wuxuu ku aaddanaa marti qaad ay isaga iyo xubnaha la socda ka heleen maamulka Gobolka banaadir, si ay u kala warqaataan, isulana meel dhigaan arrimaha ka dhaxeeya Labada dhinac.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimacaale, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin ka maamul ahaan inay Muqdisho soo gaaraan Mudanayaal ka socda Aqalka Sare oo matalaya Gobollada Shabeellada dhexe iyo Hiiraan.

Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle, Cali C/laahi Cosoble ayaa isna sheegay inay ka wada hadleen Labada dhinac sidii wada jir loogu raadin lahaa xuquuqda Gobolka Banaadir iyo Sahacbaka Caasimadda ku Nool.

Maamulka HirShabeele oo ah maamulkii ugu dambeeyeye oo la dhiso waxaan uu haatan ku howlan yahayn sidii loo dhameystiri lahaa dhismaha maamulkiisa

Like it? Share it!