Madaxweynaha HirShabeele oo eedeymo u jeediayay wasaaradda arriamaha gudaha Soomaaliya

by Hassan Ali | Tuesday, Mar 28, 2017 | 51 views

28,March,2017(SofoNews) War qoraal ah uu soo saaray Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa ku eedeeyay dowlada federalka inay xuquuqdii maamul goboleedka Hirshabeelle ay ku tumatay gaar ahaan wasaarada Arrimaha Gudaha xili uu saxaafadda kula hadlayay magaalaad Baladweyne.
Madaxweyne Cosoble ayaa hadlkan jeediayaay kadib markii uu maanta shirjaraaid uu ku qabtay magaalada Baldweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay in maamul goboleedka Hirshabeelle uu dib u qiimeyn ku sameyn karo cilaaqaadka uu la leeyahay dowlada federalka Soomaaliya.
Dhinaca kale Madaxweynaha Hirshabelle ayaa sheegay inuu kala direy Guddiga Abaaraha ee dowlad goboleedka Hirshabeelle waxana uu sheegay Madaxweynaha Hirshabeelle uu magacaabay guddi heer wasiiro ah oo ka shaqeeya abaaraha jira.
Guddigan oo uu guddoomiye u yahay wasiirka arrimaha gudaha Hirshabelle Maxamed Cali Caadle ayaa waxa uu ka guddoomay deeq lacageed oo gaareysa $15,000 taasoo uu ugu deeqay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble.
Hadalka madaxweyne Cosoble ayaa ku soo beegmaya xili magaalada Muqdisho ay ka soconayaan dadaalo loogu gurmanayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Like it? Share it!

Leave A Response