Madaxweynaha HirShabeele oo cadaadis lagu saaray dhismaha wasiiradiisa

by Hassan Ali | Sunday, Feb 19, 2017 | 173 views

19,February,2017(SofoNews) Wefdigani uu hogaaminayay Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa maanta gaaray magaalada Jowhara kadib markii in muddo ah uu ku sugnaa Muqdisho.
Cali Cosoble ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Jowhar ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo mas’uuliyiinta heer degmo, heer gobol iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Dhawaan ayaa lagu wadaa in Madaxweyne Cosoble uu ku dhawaaqo Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabeelle, iyadoo inta badan la soo gaba gabeeyay wada tashiyadii ku aadanaa dhismaha Golaha Wasiirada iyo sida beelaha u qeybsanayaan xilalka ugu muhiimsan.
Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa dhowaan labo bil ugu kordhiyay Madaxweynaha Hirshabeelle mudada uu ku soo magacaabayo Golaha Wasiirada, iyadoo ay u dhamaatay hal bil, bishii labaadna u socoto
Madaxda Hirshabeelle, sida Madaxweynaha, Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa bilihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho, iyadoo dhaliilo loogu soo jeediyay maqnaanshahooda magaalada Jowhar.

Like it? Share it!