Madaxweynaha Hirshabeeel oo soo dhoweeyey Doorashadii ka dhacday Jowhar

by Hassan Ali | Thursday, Nov 10, 2016 | 150 views

10,November,2016(SofoNews) Cali Cabdullahi Cosoble madaxweynaha Maamulka Goboleedka Hirshabeelle oo ka hadlayey doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Jowhar ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay qaabka ay u dhacday doorashadii Xubnaha Aqalka Sare ee Maamulkaasi.

Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa sheegay in ay doorashadaasi tahay Guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Dadka ka soo jeeda Deegaanada Hoos tago Maamulka Goboleedka Hirshabeelle iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Maamulkooda uu ku guuleystay in ay siiyaan haweenka Qoondadii loogu talagalay oo ay ku lahaayeen Xubanaha Aqalka sare u matalaaya Maamulka Hirshabeelle, isagoo sidoo kale xusay in ay ku rajo weyn yihiin in ay sidoo kale ku guuleysan doonaan in ay haweenka xaqooda ka siiyaan xubnaha Aqalka Hoose.

Maalintii shalay ayaa magalada Jowhar waxaa lagu doortay xubnaha aqalka sare u matalidoona dowlada goboleedka HirShabeele.

Like it? Share it!

Leave A Response