Madaxweynaha Hir-Shabeele oo maanta la dooranayo

by Hassan Ali | Monday, Oct 17, 2016 | 192 views

17,October,2016(SofoNews) Baarlamaanka Maamulka Goboleedka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa in maanta ay doortaan madaxweyne uu yeesho Maamulka Goboleedkaasi iyo Madaxweyne ku xigeenada.

Madaxweynaha  Hirshabeelle ayaa waxaa ku tartamayo Musharaxiinta kala ah Cali Cabdulaahi Cosoble , Cali Caraale iyo Maxmed Cabdi Waare, halka ay Madaxweyne ku xigeenada u tartamayaan Musharixiinta kala ah Cali Cabdulahi Guudlaawe iyo Cali Xasan Taakow.

Musharaxiinta u taagan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenada ee Maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa xalay khudbado ka soo hor jeediyeen Xubnaha Baarlamaanka Hirshabeelle, waxaana Musharax walbo halkaasi ka soo jeediyay waxa uu u qaban karo marka la doorto, iyagoo sameeyay balanqaadyo adag oo ay ugu muhiimsanaayeen horumarinta labada Gobol iyo adkeynta ammaanka.

 

Like it? Share it!

Leave A Response