Madaxweynaha Galmudug iyo safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya oo kawada hadlay dagaalka Gaalkacyo

by Hassan Ali | Friday, Oct 28, 2016 | 162 views

28,Oct,2016(SofoNews) Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa kulan la qaatay Safiirka Wadanka ingriiska u fadhisa Soomaaliya Ms Harriet Matthews.

Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa kulankooda looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Colaadda Galkacayo, Waxaana Safiirka Dalka Ingiriiska u fadhisa Soomaaliya Ms Harriet Matthews ay ka codsatay Madaxweyne Guleed in Si Sharuud la’aan ah loo joojiyo dagaalka Galkacayo.

Madaxweyne Guleed ayaa safiirka u sheegay in Galmudug mar waliba diyaar u tahay in ay si sharuud la’aan ah ku soo fadhiisato miiska wadahadalka, balse dhinaca kale ay diyaar u noqdaan daminta colaadda.

Wararka ayaa tilmaamaya in sidoo kale Guuleed ay Safiirku kala hadashay arrimaha Doorshooyinka, ugu Dambeyntiina uu kulankaasi uu ku soo dhammaaday jawi is fahan.

 

Like it? Share it!