Madaxweynaha Farmaajo oo Muqdisho ka furay Shirka Heer sare ah oo Gurmadka Abaaraha(Sawiro)

by Hassan Ali | Tuesday, Feb 28, 2017 | 120 views

28,February,2017(SofoNews) Waxaa goordhow Madaxweynaha J.F Soomaaliya Maxa’ad C/laahi Max’ad Farmaajo uu ka daahfuray magaalada Muqdisho shir Caalami ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo looga hadlayo u gurmashada dadka abaaruhu saameeyay ee ka jira
Shirkan oo hal maalin socon doona waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa, Wasiirka Amniga, wasiirka Qorsheynta, iyo Madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Puntland, Koofur Galbeed, Hirshabeelle, Jubbaland iyo gobolka Benaadir.
Waxaa khudbad heerka abaaruhu ay marayaan iyo saameynteeda ka warbixin doona Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha mudane Maxamed Cumar carte
Waxa sidoo kale joogaa Hey’adaha Gargaarka iyo deeq bixiyaal badan. Waxaa lagu yaboohi doonaa dhaqaalo badan oo lagu samatabixiyo dadka abaaruhu saameeyay.

Shirka Gurmadka 1 Shirka Gurmadka 2 Shirka Gurmadka 3 Shirka Gurmadka

Like it? Share it!

Leave A Response