Madaxweynaha dalka Kenya oo booqasho aan la shaacin ku yimid xadka Soomaaliya ay la wadaagto Kenya

by Hassan Ali | Sunday, Mar 19, 2017 | 126 views

19,March,2017(SofoNews) Sida ay baahinayaan warbaahinta wadanka Kenya,wefdi uu hogaaminayo madaxweyne uhuuru Kenyata ayaa booqasho aan horey loo shaacinin ku tagay deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose oo kutaala hadka Kenya iyo Soomaaliya.
Diyaarada militari oo nuuca Helcopterka loo yaqaano ayaa soo qaaday wefdiga madaxweynaha taasi oo xero militari oo ciidanka Kenya ay ku leeyihiin xadka Soomaaliya iyo Kenya ku dejisay.
Madaxweyne Uhuuru Kenyata ayaa bogaadiyaay howlgalka ay wadaan ciidanka dalka Kenya oo qeyb ka ah howlgalka Amsiom ee Soomaaliya ayagoo dagaal kua jira Alshababaab.
Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay kala hadlayaan muhiimada inay dhistaan ciidamadooda Milateri, si ciidamadiisa ay dalkooda ugu laabtaan, taasoo ah qeyb ka ah buu yiri istiraatiijiyadooda ay uga baxayaan Soomaaliya.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya aanay ka war-qabin socdaalka Qarsoodiga ah ee Madaxweynaha Kenya ku tagay magaalada Dhoobley ee ku taala xuduuda Soomaaliya ay la wadaagto Kenya, taasoo ah mid xadgudub heykalka dowladnimo iyo sharciyada socdaalka.
Wefdi uu hogaamanaiay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu dhowaan booqdo dalka Kenya, oo aan wali dhaqan gelin heshiiskii saddexda qodob ahaa ee bishii September ee sanadkii 2016 Muqdisho ku kala saxiideen Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa walajaya cadaadis kaga imaanaya dhanka kooxaha mucaaradka kuwaasi oo dalbanaya in ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya, waxaana dadka siyaasiinta ah qaar kood ay ku micneynayaan safarkiisa mid qeyb ka ah ololaha uu ugu jiro in markale uu ku guuleysto hogaanka madaxtinimo ee dalkaasi.

uhuru-5 uhuru-6 Uhuru-milateri uhuru- uhuru-1 uhuru-2 uhuru-3

Like it? Share it!