Madaxweynah Soomaaliya oo dacwada ka gudbiyay Imaaraadka Carabta

by Hassan Ali | Monday, Feb 27, 2017 | 130 views

27,February,2017(SofoNews) Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu Sucuudiga u gudbiyay dacwad ka dhan ah Dowlada Imaaraatka Carabta oo dooneysa in ay la wareegto dhul qaranka Soomaaliya leeyahay.
Sida aan Wararka ku heleyno Madaxweyne Farmaajo ayaa dowlada Sacuudiga ka dalbaday in ay soo fara galiyaan qorshaha uu Imaaraatka Carabta ku doonayaan in saldhig ciidan ka sameestaan gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Berbera.
Farmaajo ayaa kala hadlay arinta ku aadan saldhiga Milatari ee Imaaraatka ka sameesanayo Berbera Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdicasis oo ah ku xigeenka ninka sugaya dhaxalka boqortooyada Sacuudiga, waxaa sidoo kulanka joogay Wasiirka Arimaga Dibada Sacuudiga iyo Madxa kale.
Dowlada Cusub ee Soomaaliya ayaa u muuqata mid aan raali ka aheyn qorshaha ay Dowlada Imaaraatka Carabta kula wareegeyso garoonka Diyaaradaha magaalada Berbera si ay halkaasi saldhig milatari uga sameestaan.
Maamulka Somaliland ayaa kula heshiiyay dowlada Imaaraatka in saldhig milatari ka sameesato Garoonka Diyaaradaha Berbera, waxa ayna heshiiskan Maamulka Hargeysa ku badasheen dhaqaalo badan aan cadadeeda la shaacin.

Like it? Share it!

Leave A Response