Madaxda Soomaalida oo London soo dhaweyn loogu sameeyey

by Hassan Ali | Thursday, May 11, 2017 | 134 views

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Britain ayaa Munaasabad soo dhaweyn ah u sameyeey  Madaxweynaha JF Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad gobaleedyada ee ka qaybgalaya Shirka London ayaa ka dhacday magaalada Xarunta u ah Uk.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo khudbad ka jeediyay Munaasabada ayaa Sheegay Sanadkaan Madaxda Soomaalida ayaga oo midaysan oo wax qilaaf ah u dhaxeyn inay ka qaybgalayaan shirkaan caalamiga ah.

Dhanka kale Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Madoobe ayaa sheegay in wanaaga uu ku haray qurbo joogta, balse iyaga uu ku dambeeyo wali qabiilka, wuxuuna tilmaamay in loo baahanyahay in laga gudbo kala qaybsanaanta iyo Qabiilka.

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa sheegay in Midnimo iyo walaalnimo ku wada socdaan dhammaan Madaxda Soomaaliya ee ka qaybgalaya Shirka London uuna Hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed c/laahi farmaajo.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa sheegay inay ku wada socdaan hal hadaf, isla markaana dhammaan Madaxda Soomaalida ay ku daba faylanyihiin Madaxweynaha Qaranka Soomaaliya.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ugu baaqay in Qurba joogta Soomaaliyeed ee ku sugan waddanka UK ay ka shaqeeyaan Midnimada Muwada Soomaaliyeed sidoo kalana ay qabiilka ka dheeraadaan.

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in dowladda la garab istaago, isla markaana la iska dhaafo qabiilka iyo qurunkiisa.

Like it? Share it!